|

Turkiga oo sheegay in siyaasad gaar ah uusan ka laheyn Somaliya ee u yimaadeen in ay caawiyaan walaalohood muslimiinta ah

Talaado 21- febraayo:( Yucubka.net) Ankara  Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bakiir Bosdig ayaa waxa uu sheegay in dalkiisa uu wadayo gar-gaarka bini’aadannimo oo uu siiyo shacabka ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaailya.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo Saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in Soomaaliya aysan kala heyn Siyaasad gooni ah, hase ahaatee gar-gaarkoodi uu yahay mid bini’aadannimo oo lagu samata bixinayay dad ay isugu darsameen abaaro iyo colaado kuwaasi oo u baahan gar-gaar dhinac waliba leh.

 

Ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga ayaa sheegay in dowladda KMG ah ay ka caawinayaan sidii ay ugu qeyb qadaan laheyd samata bixinta dadka barakacayaasha ah, ayna ka taageerayaan dhinaca Caafimaadka iyo adeegyada kala duwan ee aas aasiga u ah nolosha.

 

Bakiir ayaa ugu baaqay beesha Caalamka inay sii wadaan gar-gaarkii ay u fidinayeen shacabka Soomaaliyeed si looga hortago inaysan soo laaban macluushii iyo Caafimaad daridii ka dhacday Soomaaliya muddooyinkii lasoo dhaafay.

Yucubka

Ankara 

 

Popularity: 1% [?]

1 Response for “Turkiga oo sheegay in siyaasad gaar ah uusan ka laheyn Somaliya ee u yimaadeen in ay caawiyaan walaalohood muslimiinta ah”

  1. iqra says:

    walahi hadan fikirkeha cabira turki wax dan owkaleyahay marirte lakin somalida ah doqon lama gargaro

Leave a Reply