Xarakada Al-Shabaab oo sheegtay in xafiiska UNPOS ay ka furatay magaalada Muqdisho uu sii fogeynayo colaada Somalia
Muqdisho (yucubka.net) Xarakada Shabaab ayaa sheegtay in xafiiska siyaasada qaramada Midoobay ee Somalia UNPOS ee soo degay magaalada Muqdisho inuu sii fogeynayo colaada Soomaaliya ka taagan, ka dib war saxafadeed arintaas looga hadlay oo ay soo saareen , warbaahintana loo qeybiyey.
“Furitaanka xafiiska UNPOS ee magaalada Muqdisho waa mid lagu kala dilayo shacabka muslim Soomaaliyeed, UNPOS waxay in muddo ah ka shaqeyneysay sidii ay u xanibi laheyd gaarsiinta iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee ay hormuudka ka tahay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ay soo saartay Xarakada Al-shabaab.
“Qorshaha Muqdisho loogu soo raray xafiiska Qaramada Midoobay iyo qorshayaasha cusub ee lagu doonayo in sidoo kale xafiisyo kan la mid ah looga furo Muqdisho waxay calaamad muuqata u tahay hagardaamada iyo isku dayga reer galbeedku ay ku doonayaan in ay wax ugu dhimaan xornimada iyo madaxbanaanida shacabka musilimiinta ah ee ku nool Somalia” ayaa sidoo kale war saxaafadeekaas lagu yiri
War saxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska la talinta arimaha hay’adaha shisheeye ee xarakada alShabaab oo ku qornaa luuqada English-ka ayaa shacabka ugu baaqay ineysan aqoonsan marnaba xafiiskaaas isla markaana ay ka soo horjeestaan qorsheyaasha la wado ee lagu doonayo in xafiisyo kale ay magaalada ka furtaan Qaramada midoobay
Xafiiska UNPOS ee siyaasadda Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa isagu horay uga howlgeli jiray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa 24-kii bishan u soo guuray magaalada Muqdisho, waxaana arintaas ay ka dambeysay markii xoghaya guud ee QM Ban ki moon oo dhowaan socdaal ku yimid magaalada Muqdisho uu sheegay in magaaladu amaankeedu uu wanaagsan yahay xafiisyada QM loo soo rari doono, waxaana QM xarunta Xalane looga sameeyey dhismayaal cusub oo ay ku baxday malaayiin dolar.
yucubka.net
muqdisho
Popularity: 1% [?]

