Turkiga oo muujiyay daacadnimadiisa ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo isku filan
London (Yucubka.net) Dowladda Turkiga oo ka mid ah dowladaha u
soo gurmaday Soomaalida kaddib abaarihii ku dhuftay Soomaaliya ayaa u muuqata
inay tahay dowladda keliya ee muujisay inay wax ka qabato Soomaaliya, sida
gargaarka bani’aadamnimo iyo la dagaalanka burcadbadeedda.
Baarlamaanka Turkiga ayaa isku
raacay Arbacadii lasoo dhaafay inay kasii mid noqdaan howlgallada NATO ee lagula
dagaalamayo burcadbadeedda Soomaalida, taasoo caddeynaysa in Turkiga ay dhab ka
tahay wax ka qabashada xalaadda Soomaaliya.
Shirka lagu wado in lagu qabto London ayaa waxaa dowladdu Turkigu loo qaatay
in wax laga weydiiyo xaaladda Soomaaliya iyo wax ka qabashada gargaarka aadanaha
iyo burcadbadeedda.
“Faragelinta Turkigu uu ku sameeyay Soomaaliya waxaa lagu badbaadiyay dad
badan, balse howlgallo badan oo caalamku ayaa fashilmay kaddib markii ay ka
gaari waayeen hadafkii ay doonayeen,” ayaa lagu yiri warbixin ku saabsan howlaha
ay Turkigu ka wadaan Soomaaliya.
Hay’ado badan oo Turki ah ayaa waxay ku sugan yihiin Muqdisho si ay wax uga
qabtaan waxyaabo aan horay wax looga qaban sida, waxbarashada iyo gargaar
dhameystiran oo dadka loo fidinayo si ay noloshoodu caadi ugu soo laabato.
Soomaaliya ayaa waxaa muddo 20-sano ka jiray dagaallo sokeeye oo sababay inay
burburaan adeegyadii bulshada, iyadoo dowladda Turkiga ay waddo mashaariic ay ku
dayactirayso, waddooyinka, iskuullada, garoonka diyaaradaha iyo goobo kale oo
muhiim ah sida isbitaallada.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif oo dhowr jeer ka hadlay gargaarka ay
Turkigu u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid aad
uga duwan kuwa ay caalamku ku taageereen Soomaaliya, isagoo ku manceeyay taas
walaalnimada iyo islaamnimada ka dhexeysa Turkiga iyo Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo wehliyaan xaaskiisa,
caruur uu dhalay iyo xubno ka tisran xukuumaddiisa ayaa waxay tageen Muqdisho
Ogoostadii lasoo dhaafay, waxayna booqdeen kaamam ay ku jireen dad barakacayaal
ah oo kasoo cararay abaarihii ku dhuftay gobolladii ay ku noolaayeen.
“Dhibaatada ka jirta Soomaaliya ma ahan mid laga sheekeyn karo, qofkii
doonaya inuu wax badan ka ogaado waa inuu tago, waayo waxaan arkay ma ahan wax
aan ak sheekeyn karo,” ayuu ra’iisul wasaaraha Turkiga sheegay markii uu ku
laabtay dalkiisa, iyadoo hadalladan ay u muuqdeen kuwo uu indha caalamka ugu soo
jeedinayo Soomaaliya.
Hadaba iyadaa ay gacmaha ka laabteen reer galbeedka shacabka somaliyeed ayaa turkiga si hagar la, aan ugu soo gurmadeym,
Jaamacada carabta ayaa iyaduna doorkeedii soomaaliya ka soo bixi weydey oo ay somalidu ka midtahay madaama ay somalidu aamiin santahay in ay carab yihiin. waxaase xaqiiqo ah in ay dadka soomaliyeed maanta ay ok yihiin kee walaalkooda ah oo u soo gurmadey,
Yucubka .net
London
Popularity: 1% [?]

