Maxaad kala socotaa maanta oo ku beegan maalintii ay Qaranimada Soomaaliyeed bur burtay uuna biloowday Halaaga Dagaalada sedbadsiga iyo boobka ilaa hadana socda
khamiis,26th jan, (yucubka.net) London Maanta oo ku beegan 26-ka bisha Janaayo sanadka 2012 waa Sanad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay maalintii magaalada Muqdisho laga saaray Xukuumadii Kacaanka Soomaaliyeed ee Dawladii Marxuum Maxamed Siyaad Barre.
Shacabka Soomaaliyeed oo riditaankii xilgaas ee Xukaamadii Marxuum Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariiste ku faraxsanaa ayaa xaalku wuxuu isu bedeley mid ka duwan midkii ay filaayeen. shacabka oo runtii u sacaba tumey kawa hoo ka watey qabiil iyo dana gaar ah ayaa waxa iloobeen mamaahdii ahayd (miro guntaada ku jira kuwa geedsaran looma daadsho,
26-kii Bishii Janaayo sanadkii 1991-kii oo eheed markii magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Somalia loogu dhacay ama laga saaray Ciidamadii Milatariga ahaa ee taageerayey Xukuumadii Kacaanka ayaa intaas wixii ka dambeeyay waxa uu dalka Somalia soo maray marxalado kala duwan waxaana inta badan ku dagaalami jiray Jabhado iyo Qabaai´lo kala taageerayey Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliyeed ee ka dilaacay dalka markii meesha laga saaray Xukuumadii Marxuum Maxamed Siyaad Barre.
Caalamka oo wax ka qaban waayey arinta murugsan ee soomaliya iyo cadowga oo bilaabey in ay ka faa.ideystaan burburka soomaaliya.iyo UN ka oo noqtey hay;ad ay ku adeegtaan mareykanka iyo reer yurub,ayaa waxy bilaabeen in ay kala qaybiyaan umada soomaliyeed iyadaa loo soo marayo ha;adaas iyo ay cadowga deriska ah uu xoog sheeganaya mararka qaarkood.madama dhorjeer laysku dayey in soomaalidau wax qabsato,
sanadkii 2006 ayaa waxaa soo shaac baxey maxaakiimta islaamiga oo runtii rajo fiican dadbanku dhaliyey hase yeeshee iyagu laftooda ayaa waxay isku bedeleen qaab qabeel iyadoo qabiil walba uu sameestey maxkamad islaami ah taa soo ay ku dabaqayan qabiilka ay ka soo jeedaan si uu san ugu qadin xukun.hadaba markii ay la wareegeen gacan ku hayta magaalada muqdisho durba cadoga wuxuu bilaabay in ay indhaha caalamka ku soo jeedyaan somaliya taa soo keentey in ciidankii xabashiada uu soo galo muqdisho maxkamadihiina ay halkaasi ku buburaan rajo xumo iyo burbur horleh ku timid shacakii iyo qarannimadii soomaaliya,
hadaba malaga yaabaa in soomaaliyain ay ku soo noqoto si dii hore qarannimadii iyo nabad gelyadiiba jawaabtu waxaan u daaynayaa aqristayaasha,
Waxaa diyaariyey war bixintaan
A A Subeer
London yucubka.net
Popularity: 1% [?]

