|

faah faahin dheeraad oo ka soo baxeysa dab xaley fiidkii ka dhacey suuqa x/wene iyo dabdamis lakeeney maalmo ka hor oo si weyn ugu qaybqaatey

Waxaa soo baxaya faafhaahin ku saabsan  qasaaraha ka dhashay dab muddo saacado ah socday  oo xalay maqribnimadii ka bilowday qeybo ka mid  ah suuq weynaha degmada X/weyne ee gobolka Banaadir  oo mudooyinkan ahaa mid si weyn u soo camirmayey.

Dabkaasi oo ilaa hadda aan la ogeyn sababaha dhaliyey ayaa xalay salaadii maqrib ka dib waxaa la arkay isagoo ka qarxay qeybta qudaarta iyo badarka lagu iibiyo ee Suuqa oo ku taala dhinaca  galbeed ee kawaanka hilibka degmada X/weyne, isagoo dhulka la simay dhamaanba wixii hanti ahaa ee halkaas  tiilay, waxaana dadka ku hanti belay ay u badnaayeen   haween iibiya qudaarta oo aan hanti badan heysan.

Mar aan saaka soo marnay goobta uu  dabkaas basbeeliyey ayaa waxaa ka muuqatay alaabo   fara badan oo halkaas ku gubtay iyo qaac halkaas   ka baxaya, waxay indhahaagu qabanayaan jiingado  iyo alwaax isku dhex darsamay oo lagu dhisay goobihii     ganacsi ee dabkaas uu baabiyey, waxaana sidoo halkaas   lagu arkayaa qaar ka mid ah badeecadihii ku jiray goobahaas oo ku dhex milan raqda uu dabkaasi reebay,

Waxaa saaka goobtas iskugu tegay boqolaal dadweyne  ah oo isku jira dad halkaas u soo daawasho tegay  oo doonaya iney arkaan saameynta uu dabkaasi yeeshay   iyo ganacsatadii laheyd goobaha xalay uu dabkaasi   baab’iyey oo iyana fagaya meelaha gubtay hoostooda,   iyagoo rajo ka qaba iney ka helaan wax uun uga badbaaday    dabkaasi, inkastoo wax ka badbaadayba aysan jirin.

Booyado ay leeyihiin Ciidamada AMISOM    iyo dab damis uu lahaa maamulka gobolka Banaadir   oo maalmo ka hor la keenay magaalada ayaa ku guuleystay   abaara 10:00 habeenimo iney bakhtiyaan dabkaasi,  iyadoo amaanka suuqa ay sugayeen ciidamada milateriga   iyo kuwa Booliska dowlada KMG Somalia io ilaa saaka  lagu arkayey iyagoo tuban wadooyinka gala Suuqa  isla markaana watay hub kala duwan.

Gudoomiyaha degmada X/weyne ee dowlada  KMG Somalia C/llaahi Ibraahim Sahal Gardhuub ayaa  cadeeyey in dabkaasi qasaare maaliyadeed oo aad  u balaaran uu geystay, isagoo xusay in faafintaanka   dabkaasi ay gacan ka geysteen dabeylo xoogan oo ka jiray magaalada maalmahan kuwasoo sii babiyey   dabkaasi “Waxaan bilownay tirakoob ku saabsan  qasaaraha maaliyaadeed ee dabkaas uu geystay, sidoo kale qashinka uu reebay ayaa u baahan in la qaado”      ayuu yiri Mr Ghardhuub.

Waa markii ugu horeysay ee dab noocan  uu ka kaco suuqa degmada weyne ee gobolka Banaadir   muddo 20 sano ah, waxaana suuqaasi uu xirmay dabayaqaadii  sanadkii 1991-dii markii magaalada ay ka bilowdeen   dagaal mindhicireedkii u dhexeeyey beelaha ay ka  soo kala jeedaan Marxuum. Jen. Caydiid iyo Cali   Mahdi, hase ahaatee dabkan ayaa ku soo aaday xili  suuqa asi uu si weyn u soo camirmay sanadihii ugu  dambeeyey ka dib markii ay u soo guureen ganacsato  badan oo Suuqa bakaaraha uga soo cararay amaan daro  iyo dagaalo awgeed,

 

yucubka.net

Muqdisho Somalia

 

Popularity: 1% [?]

Leave a Reply