Jabuuti (Yucubka.net) Madaxweynaha Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan kula yeeshay dalka Jabuuti dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana kulankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Jabuuti ay uga hadleen xaaladaha ammaanka iyo midda siyaasadda ee dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ay ka [...]









