London (Yucubka.net)Ilaa 2000 oo marti-sharaf ah ayaa lagu casuumay inay ka soo qayb galaan arooskan reer boqor, waxaya iskugu jiraan qoyska boqortooyada, qoyska reer Middleton, saaxiibada Kate iyo William, dad magac iyo sharaf ku leh dalkan Ingiriiska iyo debadda, iyo weliba madax ka kala socota ilaa 50 dal. Dad iyaguna lagu qiyaasay ilaa 600,000 oo [...]
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka warbixiyay waxqabadka xukuumadda muddadii ay jirtay
Mogadisho (Yucubka.net)Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka warbixiyay waxqabadka xukuumadda KMG ah tan iyo markii ay howlaheeda billowday, isagoo sheegay inay ku guuleysteen howlo badan oo ay ka mid yihiin dajinta miisaaniyad dalka iyo ka hortagga musuqmaasuqa. “Xukuumaddan waxay shaqeynaysaa muddo afar bilood ah… waxayna qabatay waxyaabo badan oo aan horay [...]
Faah faahin kasoo baxaysa dagaal ka dhacay degmada Dhuusamareeb
Yucubka.net Dhuusamareeb (Yucubka.net) Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal shalay degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ku dhexamaray Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa Xarakada Al Shabaab, iyadoo Ahlu Sunna ay dib ula waregeen gacan ku haynta degmadaasi oo shalay xoog looga qabsaday. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguud, [...]
Faahfaahin ku saabsan dagaal qasaare geystay oo ka dhacay degaano ka tirsan gobolada dhexe ee Somalia, iyadoo saaka xaalada ay degan tahay
Mogadisho (Yucubka.net) Degaanada Bacaadweyn iyo Camaara waxaa ka dhacay dagaallo fool ka fool ah oo dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed, iyadoo dagaaladaasina la soo sheegayo inay geysteen qasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, kuwaasi oo u badan dhinacyadii dagaalamayay in ka badan 15-ruux ayaa uga geeriyootay dagaaladaasi labada dhinac. Wararka naga soo gaaraya degaanka Camaara ayaa sheegaya [...]
Shabaab oo laga saaray Dhuusamarreeb
Dhuusamarreeb (Yucubka.net)Dhimasho badan lagama soo sheegin mar shalay ay Shabaab qabsatay Dhuusamarreeb, ka dibna xalay laga saaray. Dhusamarreeb waa xarunta gobolka Galguduud. Waxaa gacanta ku haya malliishiyada Ahlu Sunna oo ka kooban beelaha gobolka Galguduud dega qaar badan oo ka mid ah. Shabaab iyo ahlu Sunna waxay inta badan ku dagaallamaan Galguduud, gaar ahaanna Dhuusamarreeb [...]
Faahfaahin ku saabsan qasaaraha dagaalo culus oo maanta ka dhacay woqoyiga Muqdisho iyo dhinacyada dagalamay oo siyaabo kala duwan uga hadlay
Mogadisho(Yucubka.net) Ugu yaraan 6 ruux oo rayid ah ayaa ku naf waayey dad ka badan 10 kalena wey ku dhaawacmeen dagaalo culus oo saaka ilaa maanta duhurnimadii ka socday degmooyinka ku yaala dhinaca woqooyi ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM iyo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab oo mudooyinkanba isku hor [...]
Danjire Mahiga oo sheegay inay soo dhaweeyaan shirka ay DKMG ah ku qabanayso gudaha Soomaaliya
Axad, Abriil 17, 2011 (Yucubka.net) Ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arirmaha Soomaaliya dajire Augusine Mahiga ayaa sheegay in Qarammada Midoobay ay soo dhaweynayso shirka dowladda KMG ah ay ku qabanayso gudaha dalka, isagoo sheegay inuu yahay shir daba-socda shirkii lagu qabtay Nairobi. “Qarammada Midoobay waxay si buuxda u taageeraysaa shirka lagu qabanayo [...]
Hay’adda Xeer ilaalinta Qaranka oo gaashaanka u daruurtay
Muqdisho(Yucubka.net) Hay’adda Xeer ilaalinta Qaranka ayaa sheegtay in Maamulka gobolka Baanadir uusan xaq u lahayn in uu ishortaag ku sameeyo banaanbax ay dhigayaan dadka reer Muqdsiho hase ahaatee looga baahanyahay inay sugaan amanka goobaha uu ka dhacayo dibadbaxyada. Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Cali Max’ed Yuusuf (Cali Yare) oo u waramayay Boga Yucubka ayaa waxaa [...]
Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay in Soomaaliya aysan u baahneyn dib u heshiisiin balse ay u baahan tahay…
Tanzania (Yucubka.net) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan u baahanyn dib u heshiisiin balse ay u baahan yihiin wadahadal, isagoo hadalkan ka sheegay khudbad uu hotel Kalimanjaro ee magaalada Darusalem ee dalka Tanzania ugu jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay [...]
Ciidamada dowladda howlgalo dad lagu qabtay ka sameeyay Muqdisho
Muqdisho: (Yucubka.net) Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo dad lagu qab qabtay oo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho. Xoghaya guud ee Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya C/kaafi Hillowle Cismaan oo u waramayay Boga Yucubka ayaa waxaa uu ka [...]

